Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay saddex senatoor oo cusub oo ka mid noqonaya Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Doorashadan oo ay ku loolamayeen 10 musharax oo beelaha Somaliland ka soo jeeda ahaa waxaa ku guuleystay xildhibaanada hoos ku qoran:
Kursigii koowaad waxaa ku guuleystay Nuuro Faarax Jaamac oo heshay codad gaaraya 38 cod. waxaana la taramay Cumar Maxamed Aadan (Qaadi) 7 cod iyo Caasho Axmed Cabdalla oo waxba helin.
Kursiga labaad waxaa ku soo baxay Deeqo Xasan Xuseen waxayna heshay 24 cod. Waxaa la tartamaayay Hodan Abuukar Xasan oo heshay 21 cod iyo iyo Amran Cilmi oon wax cod ah helin
Kursiga saddexaad waxaa ku guuleystay Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo helay 39 cod. Waxaana la tartamaayay Xuseen Ceelabe Faahiye, Maxamed Aadan Waaberi iyo Axmed Cabdi faahiye.
Xubnaha Aqalka sare waxaa ka harsan laba kursi oo la sheegay in maalmaha soo socda la dooran doono.
Goobjooge.com