Amarrada kasoo baxa maamulka Gobolka Banaadir ayaa noqday kuwo aan la fulin oo ku eg war-saxaafadeed iyo afka baarkii, iyadoo amarradii ugu danbeeyay ay ku dhammaadeen halkii laga sii saaray.
Fulin la’aanta amarrada maamulka G/Banaadir ayaan ku ekeyn maamulka hadda jiro ee muranka badan ka dhex taagan yahay, waxaan la xusuustaa maamulkii ka horeeyay uu soo saaray amarro ay ugu caansaneyd in Gaadiidka AMISOM laga mamnuuco maalintii adeegsida wadooyinka ka mida magaalada Muqdisho.
Maamulka G/Banaadir ee Guddoomiya Yariisow muddo kooban soo saaray amarro is xigtay oo midkoodna fuli waayey, iyadoo muddo bil gudaheed ah lagu soo saaray saddex amar oo waxba laga qaban waayay.
HOOS KA AKHRISO AMARRADII UGU DANBEEYAY EE FULI WAAYEY:
June 14, 2018: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yarisow ayaa amray in la banneeyo goobaha danta guud oo ay ku jiraan darjiinooyinka, isaga oo July 3, baabi’iyay dhammaan heshiisyadii ay la galeen maamulladii isaga ka horeeyay, laakin ma jirto cid soo hadal qaaday fulintiisa, wuxuuna noqday amar fashil ku dhammaaday oo madaxda sare iska fogeeyeen !
June 19, 2018: Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu soo saaray ammar ku aaddan in la burburiyo dhismooyinka sida sharci darrada ah looga dhistay dhulalka hantida guud ee ku yaalla gobolka Banaadir!, laakiin ma dhaqan gelin isna.
July 3, 2018: Gudoomiye Yariisow Muqdisho wuxuu soo saaray amar farayaa dadka xoolahooda magaalada ku soo dhex daaya, gaar ahaan Lo’da inay ceshadaan xoolahooda, isaga oo siiyay 2 todobaad, Lo’da weli waa buuxdaa jidadka!, kaasoo isna aan waxba laga fulin.
Dadka magaalada Muqdisho waxay xaqiiqsadeen in ammarada gobolka Banaadir ay yihiin kuwo aan loogu talogelin in la fuliyo, waxaana muuqata kalsooni-darro iyo wada shaqeyn la’aan labada dhinac ah, taasoo caddeyn u ah in maamulka jira uu yahay mid go’doon ka ah shacabka.