Waxaa socota Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo maanta la dooranayo shan kursi oo ka mida 11-ka Senator ee ka imaanaya Gobollada Wqooyi.
Kursiga Koowaad
Kursigii koowaad oo aan lagu tartamin waxaa si fudud kusoo baxay Siciid Cabdi Xasan, markii uu tanaasulay musharax Jaamac Cabdilaahi Maxamed.
Kursiga labaad
Waxaa ku tartamay Sanator Muno Cumar Xasan oo kursiga hore ugu fadhiday iyo Nacima Xasan Xaaji Maxamuud, waxaana tartanka ka hartay Musharax Sucaad Xasan Maxamed.
Natiijadii waxay noqoray sida soo socota:
1. Muno Cumar Xasan: Waxay heshay: 13 cod
2. Naciima Xasan Xaaji Maxamuud: Waxay heshay 30 cod
Waxaa sidaasi loogu dhawaaqay inay kursiga ku guuleystay Naciima Xasan Xaaji oo ka tirsaneyd xafiiska Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, iyadoo ka adkaaday Senator Muna Cumar oo hore u ahayd saxafiyad.
Kursiga Saddexaad
Waxay musharixiinta u taagan kala ahaayeen: Cabdirisaaq Axmed Cali, Xasan Cabdi Gaas iyo Axmed Maxamed Siciid, laakiin waxaa isaga haray Musharax Xasan Cabdi Gaas oo ka maqnaa goobta Doorashada, halka uu tanaasulay Musharaxii kale ee xilka hore ugu fadhiyey C/risaaq Axmed Cali.
Waxaa sidaasi kusoo baxay Senator Axmed Maxamed Siciid oo cod gacantaag ah kusoo baxay, waxaana ogolaatay 43 ergay.
Kursiga Afaraad
Wuxuu ahaa kursi kale oo aan lagu tartamin, waxaana tanaasulay Musharax Baashe Maxamed Ismaaciil, iyadoo uu sidaasi kusoo baxay Axmed Ibraahin Maxamed (Qorane).
Ergada ayaa cod gacantaag ah ku ogolaatay Senator Axmed Ibraahim Qorane, waxaana cod gacantaag ah ku ansixiyey 44 ergo oo fadhiyay goobta.
Kursiga Shanaad
Kursiga Shanaad oo la sii ogaa natiijadiisa waxaa tanaasushay Musharax Hodon Abokar Xasan oo si cad u sheegtay inuu rajadeedii galaafay Adeerkeed Prof. Cabdi Ismaaciil, waxayna caddeysay inuu kursigeedii kusoo baxay qof ay ku aamini karto kursiga.
Waxaa cod gacantaag ah loo qaaday Deeqa Xasan Xuseen oo ay codka siiyeen kalsoonida 44 ergay oo goobta ku sugnaa.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Khadar Xariir Xuseen ayaa ku dhawaaqay inay soo gabagabowday doorashada 11-ka kursi ee Aqalka Sare ee Somaliland, taas oo qabsoontay muddo laba maalmood ah.
DOORASHADII MAANTA
Doorashadii maanta waxay ahayd mid aan lagu tartamin 4 kursi oo ka mida shantii kursi ee la doortay, waxayna kusoo gababowday muddo saacad ah, iyadoo gacantaag kusoo idlaatay.
Senatoorada soo baxaya maanta qaarkood ayaa la filayaa inay noqdaan taageerayaasha madaxweynaha xilkiisyu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay fashil kasoo wajahay lixdii Senator ee la doortay.

