Wednesday, June 25, 2025

AKHRISO: Qodobadda ugu muhiisan War-Murtiyeedka Heshiiska Doorashada Soomaaliya

Waxaa la shaaciyey War-murtiyeedka heshiiska labaad ee Doorashada Soomaaliya oo maanta 27 may 2021 lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Qodobada ugu muhiimsan War-murtiyeedka Heshiiska la gaaray waxaa ka mida:

1- In Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka uu soo magacaabo 4 xubnood oo ka mida Guddiya Doorashada Heer Gobo iyo Min Hal xubin oo ka mida Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Xalinta Khilaafaadka.

2- In xubnhaa guddiga Doorashooyinka ee khilaafka ka jiro lagu soo gudbiyo mudod saddex maalmood gudahood ah, iyadoo la beelayo, waxayna dhexdooda iska soo doortaan guddoonkooda.

3- In Gudoomiyaha Garbahaareey iyo Maamulkiisba uu soo magacaabo Madaxweynaha Jubbaland; ayna Gobolka tagaan xubno ka socda maamul Goboleedyada oo dib u heshiisiin sameynaya; waxaana Amniga ay sugaya Booliska AMISOM.

4- In Doorashada lagu qabto muddo laba bilood gudaheed ah.

5- In ciidamada aysan ku milmin siyaasadda, Amniga Doorashadana ay u xil saaran yihiin Ra’iisal wasaaraha, Taliyeyaasha ciidmada Amniga iyo Taliska AMISOM.

Waxaa la sameeyay Khariidad howleed lagu qeexayo shaqada afarta sano ee dowladda soo socota ay qaban doonto si loo gaaro Doorasho qof iyo Cod ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON