Tuesday, June 24, 2025

AKHRISO: Qoraalka Aqalka Sare xiriirka ugu jaray Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa joojiyey xiriirkii wadashaqeynta ee uu la lahaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kadib qoraal kasoo baxay Guddiga Joogtada ah ee Aqalka sare.

Aqalka Sare ayaa ku doodaya in sharciyadda uu ansixiyo Golaha Shacabka dhammaantooda ay tahay in loo gudbiyo Aqalka Sare, waxayna sheegeen inay mudaddii uu dhisnaa Aqalka Sare ee labada sano ahayd ay dhibatooyin ka taagnaayeen wada shaqeyntooda.

Arrinta khilaafkan soo kicisay ayaa ah Miisaaniyadda 2019 oo Baarlamaanku keligiis ansixiyey, iyadoo  miisaaniyaddii 2017 iyo midda 2018, in golaha shacabka sidaasi oo kale yeelay.

Labada Aqal ayaa isku heysta arrimo dastuuri ah iyo kala duwanaanshaha shaqadooda, waxaana Aqalka Sare muuqata inuu doonayo dhammaan shaqadii golaha shacabka inuu dhinaciisa ka qabto, sida metelaaddda baarlamaannada Afrika (5 xubin), Midowga baarlamaannada carabta (4 xubin), midowga baarlamaannada Islaamka (4 xubin), baarlamaanka IGAD (5 xubin), midowga baarlamaanka adduunka (5 xubin), iyo arrimo kale.

Aqalka Sare ayaa metala dowlad goboleedyada, wuxuuna ilaaliyaa danahooda, laakiin wuxuu sanadkii 2019 ansixiyey qaraar uu ku sheegay inuu dhinaciisa ka ansixinayo miisaaniyadda dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON