DEGDEG: Aqalka Sare oo hakiyey wada-shaqeyntii Golaha Shacabka [Labadii Aqal oo isku dhacay]

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hakiyey wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo sabab looga dhigay in Golaha shacabka baal maray hannaankii wada-shaqeynta.

Go’aan ka soo baxay Guddoonka Aqalka Sare ayaa lagu sheegay inay hakiyeen wada-shaqeyntii  Aqalka Sare la lahaa Golaha Shacabka inta xal laga gaarayo arrimaha dhex yaalla labada Gole ee Baarlamaanka.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Baarlamaanka uu Aqalka Sare u soo gudbin waayey Miisaaniyadda 2019 oo toos loogu diray Madaxweynaha Soomaaliya oo isna saxiixay habeenkii 31-ka Disembar 2018.

Ad

Aqalka Sare ayaa olole weyn muddo laba sano ugu jiray inuu qeyb noqdo ansixinta Miisaaniyadda oo aan ka mid ahayn arrimaha loo xil saaray, wuxuuna sanadkii 2017 ansixiyey qaraar ay awood isu siiyeen ka doodista iyo ansixinta miisaaniyadda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

124,592FansLike
979FollowersFollow
3,137FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!