Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hadal qoraal ah ka jeediyay shirkii sharaa’id ee ay wadajirka u qabteen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana hadalkaasi uu ahaa mid hore lood diyaariyey oo ay ka muuqatay xaalad aan caadi ahayn.
Qoraalka Madaxweyne Farmaajo ku faahfaahiyey xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuu ku bilowday in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya lagu soo dhoweeyo dalkiisa labaad iyo mahadcelinta ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaliya.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA OO DHAMEYSTIRAN
Fadlan ii ogolow in aan halkan uga mahad celiyo ciidamadiina milatariga ee la shaqeeya AMISOM sidii hagar la’aanta ahayd ee ay ugu horeeyaan dagaalka la gula jiro kooxaha argagixisada ee khatar ku ah jiritaanka dowladnimada Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Xukuumadaydu waxay ka tarjumaysaa sidii ay dib u habayn horumarineed ugu samaysay dhinacyada amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta arimaha bulshada, taas oo dib u soo noolaynaysa nasiib wanaaga dalkeena. Inkastoo ay jiraan caqabado haysto maamulkayga haddana waxaan go’aansanay in aan si buuxda u isticmaalo fursad kasta oo la taaban karo si aan u sii wadno in Soomaaliya ay horay ugu sii socoto, mana jiri doono dib u dhac iyo wax na dhibaateeyo.
Waa inaan sii wadnaa iskaashiga iyo wadajirka si aan oga shaqeyno in aan ku guulaysano burburinta xuduudaha gobolka, la-dagaalanka argagixisada iyo amni darada, iyo in aan helno waqti aan ku samayno isbedelka xaga dhaqaalaha ah iyo barwaaqaynta dalalkeena iyo guud ahaan gobolka.
Sidii aan ku wada hadalnay maanta Xukuumadaydu waa ka go’an tahay in ay horumariso iskaashi dhaqaale oo xoogan oo u dhaxeeya labada dal.
Waxaana ku baaqayaa fulinta iskaashi dhaqaale oo buuxa oo ay yeeshaan labada dal si loo abuuro kobcin dhaqaale, iyo kor u qaadida maalgashiga iyada oo loo marayo horumarinta dhismaha sida dekadaha, wadooyinka, tamarta iyo ganacsiga.
Mudane Ra’iisal wasaare ma jirto wadan ka mudan oo kaga fiican doorka ay dowladaada ka jirto sidii loo dejin lahaa dalkeena si looga faa’iidaysto nabada iyo xasiloonida Soomaaliya, itoobiya ma ahan oo kaliya in ay faa’iidada ku qabto xuduudka dheer ee aan wadaagno, balse waxaa naga dhaxeeyo waxyaabo fara badan oo wanaagsan sida qowmiyadaha, dhaqanka, bulshada, dhaqaalaha, nabadgelyada iyo siyaasadda oo aan soo wadaagnay qarniyo badan.
Waxaa jira baahi loo qabo hogaan aragti fog leh oo ka dhex jira labada dal, si loo xoojiyo isku xirnaanteena horey u jirtey ee danaha dadkeena ee labada dal.
Anigoo tixraacaya arintaa, waxa aan jeclaan lahaa in aan soo dhaweeyo siyaasadda cusub ee xukuumada Itoobiya, taas oo xoojinaysa siyaasadihii hore ee hada jira ee ku lug leh hawl gelinta xukuumadda federaalka, iyada oo ay dowlada raacayso labada siyaasadba.Ugu dambeyntiina, waxaan jeclaan lahaa in aan si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyo la kulanka hogaamiyaha ugu da ‘yar ee gobolkan, Waxaan kugu amaanayaa waddada isbeddelka ah ee aad qaadatay oo aad kor ugu qaadeyso taageero kasta.