Monday, June 23, 2025

Akhriso Qoraalkii safiirka Mareykanka ugu hanjabay Madaxweynaha Galmudug [Maamulka ugu musuqa badan Doorashada[

Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa ku tilmaamay maamulka Galmudug midka ugu liita ee musuqa Doorashada 2016 ay ka dhaceyso.

Qoraal uu safiirka u qoray madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed ayuu si cad ugu sheegay inay soo gaareen dacwooyin iyo warbixinno la isku haleyn karo oo sheegaya heerka ay gaartay adeegsida awoodda iyo cod iibsiga doorashada, waxaana safiirku ka hadlay dhowr dhacdo oo waaweyn sida.

safiirka-usTALIYAHA NISA Gen. Gaafoow

Ad

Taliyaha Haya’dda NISA C/laahi Gaafoow Maxamuud oo Ciidamo badan oo NISA geeyay magaalada Cadaado si uu saameyn ugu yeesho doorashada, isagoo musharixiin badan cadaadis saaray, qaarna xiray halka uu howlgab ka dhigay odayaal, isagoo doonayay iuuwalaalkiis C/qaadir Gaafoow ku soo baxo xildhibaan.

2-Wasiiru dawle Mahad Salaad

Wasiiru dowle Mahad Salaad ayaa qoraalka Safiirka lagu sheegay in Ergadii Sharciga ahayd ee Beesha Cayr uu bedelay qaar uu isagu samaystay oo Qaraabadiisa hoose, Shaqaale dawladeed, Askar ah ilaalo u ahayd, iyadoo haweeney la tartamaysay loo diiday inay Hoolka doorasho gasho.

- Advertisement -

3- Cabashada Ugaaska Beesha Saleebaan

Ugaaska Beesha Saleebaan oo lagala wareegay ergadii iyadoo loo awood sheegtay, waxaana dacwad dheer u qortay ugaaska Beesha caalamka.

4- Musharixiinta Ahlusunna oo laga qadiyey Doorashada

Safiirka ayaa qoraalkiisa ugu sheegay C/kariim inuu qaadayo mas’uuliyadda Musuqmaasuqa, Cagajuglaynta iyo wax is-dabamarinta ka socota Cadaado. Waxaan si gaara loo tilmaamay cadaadiska ay la kulmeen musharixiintii kooxda Ahlu suna, taasoo caqabad ku noqoneysa dib u heshiisiin ka dhacda Gobollada Dhexe.

- Advertisement -

AKHRI QORAALKA SAFIIRKA MAREYKANKA U DIRAY C/KARIIN GUULEED

mareykanka-01mareykanka-02

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON