Monday, June 23, 2025

AKHRISO: Saddex Wasiir oo looga yeeray Baarlamaanka Federaalka & Arrimaha laga doonayo

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa  u yeeray wasiiro ka tirsan Xukuumadda federaalka Soomaliya oo laga doonayo inay hor yimaadaan Golaha Baarlamaanka hortiisa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo maanta shir gudoomiyey kulankii Golaha Shacabka ayaa gabagabadii ku wargeliyay wasiirada  kala ah: Wasiirka Cafimaadka, Wasiirka Warfaafinta, iyo Wasiirka Cadaaladda inay hor yimaadaan Baarlamaanka.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiyo Abuukar Nuur ayaala sheegay in wax laga weydiinayo shaqada wasaaradda iyo qorshe horyaalla baarlamaanka. Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayay xildhibannada Baarlamanka ay su’aalo ka weydiin doonaan isbedelka lagu sameeyay xeerka Saxaafadda Soomaaliya ee hore loo ansixiyay.

Wasiirka Cadaaladda Soomaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa xildhibaannada uga baahan yihiin su’aalo ku saabsan sharciga musuq-maasuqa oo dhowaan wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u gudbisay Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON