Saturday, February 27, 2021

AKHRISO: Saddexda Tallo ee hortaalla Madaxweyne Farmaajo -Tee ayuu ku bixi doonnaa..?-

24 saac gudahood waxaa dhammaanaya muddo xilkeedkii 4-ta sano ahaa ee madaxweynaha 9aad ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin wuxuu waqtigu ku dhammaanayaa iyadoo aanay jirin Doorasho heshiis lagu yahay iyo xaalad looga gudbayo kala guurka.

Khudbadii uu Farmaajo shalay 6-da Febraayo ka jeediyey Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu ku qirtay inuu Doorasho qaban waayey, heshiisa la gaari waayey madaxda dowlad Goboleedyada, isagoo eedeeyay madaxda maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, isla markaana sheegey inay faragelin shisheeye ku jirto Soomaaliya.

Ad

Xaaladaas fashilk ah waxay Soomaaliya dhigtay xaalad aan la saadaalin karin oo aan weli soo marin dowladnimada Soomaaliya tan iyo intii dib loo abaabulay sanadkii 2000 iyo shirkii Carte oo ay isbedeleen 5 Madaxweynaha oo kursiga isaga danbeeyay.

Madaxweyne Farmaajo oo hore u soo noqday Ra’iisal wasaare lagu qasbay inuu is-casilo sanadkii 2011, wuxuu mar kale wajahayaa saddex xaaladood mid ka mida:

MUDDO KORORSI IYO QALAALLASE

Farmaajo waxay dadka eedeeya siyaasadiisa sheegeen inuu muddo dheer soo waday, kana soo shaqeeyay in xaaladda maanta uu dalku soo gaarsiiyo, isagoo diiday heshiis kasta oo lagu gaari lahaa doorasho xalaal ah, ujeedkiisu ahaa inuu qabto Doorasho uu ogyahay inuu kusoo laabanayo ama uu helo waqti kordhin loo sameeyo. Eedeynta dhinacyada kale iyo tanaasul la’aanta keenay inuu Gobolka Gedo ku dhego waxay muujineysaa inuusan haynin xikmad aan ahayn inuu kursiga iska soo joogo wax kastoo dhaca, iyadoo markan uu doonayo in waqti kordhinta ay ka timaado Ra’iisal wasaaraha.

IS- CASILAAD

Tallaabada labaad ee Farmaajo u furan waa inuu aqbalaa inuu dhammaadya muddi xileedkiisii sharciga ahaa, isla markaana aanay jirin sabab uu kursiga ku sii joogi karo mar haddii aanu qaban karin Doorasho, lana heshiin waayey madaxda dowlad Goboleedyada.

HESHIIS CUSUB OO DOORAASHO

Tan ugu danbeysa ee Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Farmaajo sugeysa ayaa ah inuu dib ugu laabto raadinta heshiis Doorasho iyo madaxdii maamul Goboleedyada ee uu eedeeyay, waana qodobka ugu adag oo weji gabax ku ah maqaamkiisa; laakiin wax kasta laga filan karo. Heshiis noocaasi ah haddiiba uu suuragal yahay wuxuu imaanayaa isagoo aan awood lahayn.

GABAGABO

Madaxweyne Farmaajo wuxuu taariikhda ku galayaa inuu noqday mas’uulkii dalkan ugu sareeyay ee meel cidla ah uga taga xukunta isagoo awoodi waayey inuu heshiis siyaasadeed ka keeno madaxda talada la leh ama uu xilligiisa ku qabto Doorashadii afartii sano mar dhici jirtay, waxaana muuqata inuu talada koowaad qaadan doono.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

155,213FansLike
2,430FollowersFollow
5,729FollowersFollow
155,213FansLike
2,430FollowersFollow
5,729FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!