Waxaa maanta magaalada Baydhaba ka dhaceysa doorashada shan kursi oo ka mida Golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad, iyadoo ay tahay doorashadii ugu horeysay, kadib markii lagu heshiiyay in la saxo hanaanka Doorashada.
Shanta kursi ee maanta lagu dooranayo magaalada Baydbaba ayaa ka mida 11 kursi oo ay Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed shaaciyeen 1-dii Janaayo 2022 oo ka horeysay heshiiskii Madasha Qaran ee Wadatashiga, waxaana la sheegay in la waafajiyey heshiiska iyo hanaanka cusub.
Guddiga Doorashada K/Galbeed ayaa shaaciyey Guddiyada Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya shanta kursi, waxayna shalay shahadooyin siiyeen musharixiinta kuraastan oo kala ah.
HOP156 oo uu hore ugu fadhiyey xildhibaan Cali Cabdi Cusmaan, waxaa ku tartamaya: Maxamed Aadan Maxamed & Maxamed Ibraahim Isaaq.
HOP176 oo uu Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay Maxamed Mursal Maxamed Boorow, waxaana ku tartamaya isaga oo doonaya in mar kale loo doorto iyo musharaxa Cabdixakiin Mustaf Ibraahim.
HOP184 waxaa hore ugu fadhiyey Xasan Cabdinuur Cabdi, mar kale ayuu u tartamaya, waxaa kaloo isku sharxay Maxamed Cabsullaahi Cali iyo Maxamed Xuseen Mukhtaar.
HOP46 oo ay hore ugu fadhiday Raabaco Sheekh Nuurow, waxaa hadda u taagan Maxamed Wardheere Aadan.
Waxaa welwel badan laga muujinayaa hufnaanta Doorashada K/Galbeed, waxaana la sheegay inaan isbedel weyn ku dhicin arrinta musharixiinta malxiiska ah.
