Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa xal ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay.
Qodobadda Heshiiska oo lagu shaaciyey war-saxaafadeed ayaa waxaa ka muuqday in Hay’adda NISA looga tanaasulay Farmaajo, iyadoo xil kale la siinayo agaasimihii uu magacaabay Rooble; waxaa shirka looga wada hadlay qodobadan:
1. Dardar gelinta howlaha Dooroshoyinka.
2. Xoojinta wadashaqeynta iyo dardar galinta Hay’adaha Amniga Qaranka.
3. Xallinta kala aragti duwanaanshihii ka dhashay hoggaanka hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HSNQ).
4. Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
HOOS KA AKHRISO QODOBADDA HESHIISKA
Kulankaan oo ku qabsoomay jawi wanaagsan Madaxduna ay diiradda ku saareen maslaxadda ummadda Soomaaliyeed iyo danaha Qaranka ayaa la isku raacay qodobadan:
1. Ayada oo la tixgilinayo dib udhaca kuyimid jadwalka doorashooyinka ayaa madaxda waxey isku raaceen in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka, waxeyna ugu baaqeen dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaliya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan kubilaabaan asbuucyada soo socda doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
2. In si dhaw ay u wada shaqeeyaan hay’adaha Amnigu iyaga oo xoogga saaraya adkaynta amniga iyo xasilloonida guud ee dalka xilligan xaasaasiga ah ee dalku ku jiro doorashooyinka, Lana xoojiyo ladaagalanka argagaaxisa ee Alshabaab.
3. In Wasiirka Aminiga Cabdullahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.
4. In Janaraal Bashiir Goobe loo magacaabo Wasiiru Dowle.
5. Madaxda ayaa isku raacay In Yaasin Cabdulahi Maxamuud (Farey) uu ahaado kusimaha Taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (HNSQ) inta Madaxweynahu uu soo marsiinayo Ra’iisul Wasaaraha Taliye iyo Taliye kuxigeen kadibna La soo marsiinayo Golaha Wasiirada, si madaxweynuhu ugu soo saaro digreeto.
6. Madaxda ayaa isku raacay in kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo Hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaana la faray hay’adaha amnigu in ay gacan ku siiyaan.
Ugu danbayn, Madaxda Qaranku waxay umahad celiyeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Moxamed (Lafta gareen) iyo masuuliyiinta kale ee udhabar adaygay sidii madmadowgii madaxda qaranka ka dhexjirey loogu dhameyn Lahaa Isfahan iyo afgarad, doorashaduna usocoto si habsami leh.
HOOS KA DAAWO

