Madaxda Dawlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ee Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya.
markii ay tixgaliyeen marxaladda adag ee uu dalku marayo.
Markii ay wadatashiyo qotto dheer layeesheen Bulshada qaybaheeda kala duwan.
Markii ay garawsadeen qataraha dhinacyada badan ee uu dalku wajahayo.
Markii ay arkeen ismariwaaga siyaasadeed ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka dalka iyo baahida loo qabo in xal deg deg ah lahelo.
Markii ay arkeen xaaladaha amnidarro ee kusoo kordhay caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay iyo sida ay usii fidayaan.
Markii ay garawsadeen in aanay macquul ahayn in lasii fiirsado xaaladaha isa soo taraya ee aan farxad galinaynin shacabka Soomaaliyeed.
Markii ay garwaaqsadeen baahida loo qabo qaadashada go’aamo badbaadinkara mustaqbalka Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
Waxay soo saareen War murtiyeedkaan.

1- Waxaan ka xunnahay dhacdooyinkii ka dhacay Caasimadda Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, waxaana ka tacsiyaynaynaa Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay dhacdooyinkaas.
2- Dhacdooyinkaas waxaan u aragnaa in ay nasiib-darro ku yihiin hanaanka Dawlad-dhiska Soomaaliya, si gaar ah shacabka ku nool caasimadda Muqdisho oo aan mudnayn in dib loo xusuusiyo waqtiyadii adkaa ee ay soo mareen.
3- Waxaan isla qaadanay in ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nuuckasta oo ah muddo kordhin ah.
4- Waa in doorashada lagu galaa heshiiskii 17-kii september 2020, maadaama uu yahay kan kaliya ee lagu heshiiyay.
5- Waa in la joojiyaa meeshana laga saaraa waxkasta oo caqabad ku noqonkara ama horay ugu noqday hirgalinta heshiiskii 17-kii september.
6- Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Dawlad-goboleedyada kale ee dalka in ay ka qaataan kaalinta uga aadan sidii loo fulinlahaa heshiiskii 17-kii September.
7- Madaxda DFS, waxaan ka codsanaynaa in ay si dhaqso ah uqaadaan dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka u ah fulinta heshiiskii 17- september si dalku u aado doorashadii lagu heshiiyay.
8- Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan dhinacyada ay khuseeyaan arrimaha taagan ee Soomaaliya in ay ka fogaadaan wax kasta oo keenikara kala fogaansho iyo xasiloonidarro taas badalkeedana la muujiyo qalbiwanaag iyo masuuliyad
9- Waxaan usoo jeedinaynaa Qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida in ay ka fogaadaan waxkasta oo keenikara amnidarro kuna ekaadaan waajibaadka qaran ee Dastuurku ucayimay isla markaana aanay ku milmin arrimaha Siyaasadda.
10- Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa in ay meel uga soo wada jeestaan cidkasta oo khatar ku ah amniga iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.
11- Beesha Calaamka waxaan uga mahadcelinaynaa taageerada joogtada ah ee lagarabtaaganyihiin Soomaaliya, waxaanan ku dhiirigalinaynaa in ay sii wadaan dadaalkooda.
DHAMAAD
