Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa  soo saaray wareegto uu ku kala bedelay  madaxda Waaxyada Dakhliyada ee Dowlada Hoose ee Muqdisho.

Wareegtadan oo soo baxday 13-kii bishan  bishan February ayuu Guddoomiye Yariisow uu xilal cusub ku soo kordhiyay Agaasimayaasha Waaxyaha, iyadoo la baabiyay Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda, iyadoo uu horay xilkaas ka geeriyooday Axmed Xasan Xuseen.

Agaasimaha Miisaaniyadda ayaa loo magacaabay C/raxmaan Cusmaan Ibraahim oo horay u hayay xilka Agaasime kuxigeenka Waaxda Maamulka iyo Maamulka ee la baabi’iyay. Xamdi Cali Nuur oo horay u aheyd Madaxa Khasniyada Guud ayaa loo dalacsiiyay Agaasimaha Khasnajiga Guud ee dowladda Hoose.

Guddoomiye Yariisow ayaa dib u soo celiyay Xasan Xuseen C/llaahi oo ay qaraabo yihiin, wuxuuna u magacaabay Agaasimaha Dakhliyada Kala duwan oo horay looga qaaday xilligii Guddoomiye Taabit. Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Canshuuraha ayaa waxaa loo magacaabay Ayaan Cabdi Maxamed oo horay aheyd xubin ka tirsan waaxda Canshuuraha dowladda Hoose, waxayna iyada iyo agaasimaha Khasnadaha isku beel kasoo wada jeedaan guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda. G/Banaadir.

Muran ka dhashay wareegtada ayaa keenay in beelo iyo siyaasiyiin badan ay culeys saaraan maamulka G/banaadir iyadoo xafiisyada maamulka ay hareeyeen dood iyo dacwad ka imaaneysa xildhibanno, odayaal iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ka hor yimid tallaabada koowaad ee uu qaaday guddoomiyaha cusub ee G/banaadir.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA