Wararka laga helayo magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in liiska xubnaha Puntland u soo sharaxday Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay ku jiraan siyaasiyiin iyo hogaamiyeyaal caan ah.
Xubnaha sida weyn loo yaqaan liiska Aqalka Sare ku jira waxaa ka mida:
- Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole)
- Jen. Maxamed Siciid Xersi (Morgan)
- Siyaasiga Maxamed Cabdi Xaabsade
- Jeneraal Cabdullaahi Siciid Samatar
Madaxweynaha Puntland ayaa soo diyaariyay 44 xubnood oo musharixiin ah, wuxuuna kursi kasta u soo sharxay iala 4 mudane.
Waxaa ka dhex muuqda Aqalka sare xubno isugu jira saraakiil ciidan oo hore, siyaasiyiin iyo waliba dad kala duwan oo heerarkooda aad u kala duwan yihiin.
Goobjooge.com