Sunday, July 13, 2025

Alshabaab lagu laayey Dagaalkii Qeycad iyo Agagaarka Bacaadweyn (Faahfaahin)

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal culus oo ka dhacay degaanka Qeycad iyo duleedka magaalada Bacaadweyn ee Koonfurta Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug Jeneraal Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay in Alshabaab laga saaray degaanka Qeycad iyo Gadad uga qodnaa agagaarka Bacaadweyn, iyadoo Alshabaab dagaalka looga dilay 32 xubnood oo uu ku jiro horjoogahoodii.

Dagaalka waxaa ka qeyb aaday ciidamada Milateriga ee xoogga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo dadka degaanka, waxaana dhulka lagu dagaalamay uu ahaa Dhul bacaad ah iyo dhufeysyo ay Alshabaab ku lahaayeen Qeycad iyo degaanad u dhowi

Maleeshiyada Alshabaab ayaa la sheegay inay dib ugu gurteen degaanada Camaara iyo Caad, waxaana la filayaa in dagaalladu sii socdaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON