Alshabaab ayaa maanta magaalada Baydhaba Qarax ku dishay Wasiirkii Cadaaladda ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Sheekh Xasan Ibrahim Lugbuur iyo wiil uu dhalay, kadib Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baydhaba.
Wasiirka ayaa xilliga la qarxiyey kasoo baxayay Masjid uu ku soo tukaday Salaadda Jimcaha xilliga weerarka lala beegsaday. Waxaa qaraxa ku dhaawacmay in ka badan 10 qof oo kale oo ka mid ahaa dadkii Masjidka kasoo baxay, waxaana ku jiray wiil uu dhalay wasiirka oo geeriyooday iyo mid kale oo ku dhaawacmay
Wararka qaar ayaa sheegaya inuu qaraxu ahaa miino la dhigay Masjidka hortiisa oo lala beegsaday wasiirka oo ahaa Sheekh, isla markaana uu akhriyey khudbadii Jimcaha ee maanta.
Waa mas’uulkii labaad ee ka tirsan maamulka K/Galbeed oo Alshabaab qarax ku khaarijiso, iyadoo weerar kale oo ismiidaamin ahaa 27-kii bishan lagu dilay guddoomiyihii degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose Cabdullaahi Cali Waafow iyo 11 qof oo kale.
Alshabaab aya kordhisay weerarrada is-miidaaminta ah ee lagu beegsamayo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed xilli ay adagaal ka wado Gobolka Gedo iyo xuduudka Itoobiya.
Madaxda K/Galbeed iyo dowladda Federaalka aya cambaareyay qaraxa iyo falka lagu dilay wasiir Lugbuur, iyagoo kui eedeeyay Alshabaab.
