Kooxda Alshabaab ee ka howlgasha Soomaaliya, kuna xiran ururweynaha Alqaacida ayaa noqotay kooxda ugu horeysa Afrika ee dadka ugu badan disha.
Sida lagu seegay Warbixin ay soo saartay hay’adda African Centre for Strategic Studies ee laga leeyahay Mareykanka waxaa ay sheegeysaa in Al-shabaab noqotay kooxda ugu dilka badan qaaradda Afrika, tasoo ay kala wareegtay kooxda reer Nayjeeriya ee Boko Haram.
Xarakada Al-shabaab waxaa la sheegayaa in 2016-kii tusaale ahaan ay dileen in ka badan 4,000 oo qof. Sida ay warbixinta sheegeyso, Al-shabaab waxaa kor u qaadeen dilka marka la barbardhigo sanadkii ka horreeyay ee 2015-ka, tiro ahaan 2015 waxaa ay dileen 3,046 halka 2016kii lagu sheegay 4,281.
“Al Shabaab waxaa ay dilka ugu horreeyaan kooxda Boko Haram, iyaga oo noqday kooxda ugu dilka badan Islmaamiyiinta” sidaasi waxaa qortay hey’addan Mareykanka ah. Kooxda Boko Haram hoos ayey u dhaceen dilalkooda, 2015-kii waxaa ay dileen 11,519 halka 2016kii ay dileen 3,499.