Alshabaab ayaa weerar culus ku qaaday ciidamo huwan ah oo isugu jiray ciidamada Jubbaland, kuwa AMISOM ee Itoobiya iyo ciidamo gaara oo Mareykan ah oo ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo.
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo aya sheegaya in weerarka oo gaadmo ahaa uu ka dhacay degaanka u dhaxeeya Buulogaduud & Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in qasaare uu soo gaaray ciidamadii Mareykanka iyo kuwii la socday ee dagaalku qabsaday, dagaalkuna uu socday muddo ku dhow saacad.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxay weerarkan, waxaana xaqiijiyey saraakiil ka tirsan Wasaaradda difaaca Mareykanka ee Pentegon-ka sida ay kasoo xigteen weriyeyaal ku sugan Washington oo sheegay in laga cabsi qabo qasaare soo gaaray ciidamadaasi.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in weerarka Alshabaab lagu dilay Askari Mareykan ah iyo laba askari oo ka tirsan ciidamada Jubbaland, wuxuuna weerarka ka dhacay agaarka Sanguuni.
Ciidamo gurmad ahaa oo laga soo diray magaalada Kismaayo ayaa wararku sheegayaan in inay hakiyeen miinooyin ay wadadda ku aaseen kooxda Alshabaab.
Ururka Al-Shabaab oo weerarkan geystay ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin qasaaraha dhacay inkastoo warbaahinta taageerta ay ka hadleen weerarka.