Saturday, April 20, 2024

Alshabaab oo Jamaame ku soo bandhigay Maxaabiis & Meydad ka tirsan Ciidamada Dowladda

Kooxda Alshabaab ayaa degmada Jamaame ku soo bandhigay maxaabiis iyo meydad ee ay sheegeen inay ku soo qabteen dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Fagaare ku yaalla degmada Jamaame ayey Alshabaab ku soo bandhigeen meydadka lix askari iyo laba maxbuus oo ay ku qabsadeen dagaalkii Baar Sanguuni, waxaana halkaasi isugu soo baxay dadweyn fara badan.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu caddeeyay inay gacanta ku hayaan laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Dowladda Somalia ee Mareykanku tababaray kuwaas oo dagaal ku qabsatay saldhig melleteri oo kuyaal deegaanka Baar Sanguuni shalay.

Ad

Lama shaacin magacyada maxaabiista, lamana oga waxay ka yeeli doonaan Alshabaab, laakiin warar hore u soo baxay ayaa sheegaya in dadka lagu waayey dagaalkii Bar Sanguuni uu ka mid yahay taliyihii saldhigga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON