Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo madaafiic ku garaacday Saldhigga ciidamada Jabuuti ee magaalada Beledweyne

Kooxda Alshabaab ayaa madaafiic ku weerartay xalay saldhig ay  ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaafiicda ayaa ku dhacday Xaafada howlwadaag oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo aan la soo werin qasaraha duqeyntaasi.

Ciidamada Jabuuti ayaa jawaab ka bixiyay Madaafiicda lagu garaacay Saldhigooda, waxayna madaafiic kale ku rideen goobtii Madaafiicda looga riday, taasoo magaalada gelisay xaalad kacsan.

War ay faafisay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay saldhiga ciidamada Jabuuti ay ku  garaaceen 10 madfac.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON