Wararka laga helayo magaalada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in dhowr madfac oo Hoobiyeyaal ah ay ku soo dhaceen xilli ay maanta magaalada ka socotay doorashada xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay inay madaafiic kusoo dhaceen agagaarka Xarunta Madaxtooyada magaalada Baraawe, halkaasnoo ay ka socotay doorashada xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.
Qasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa lasoo weriyey inay geystaan maadaafiicdaasi oo gaarayey lix, qaarkood ku dhacay goobo ay dad shacab ah ku sugnaayeen, waxaana la sheegay inay ku dhinteen 4 qof (3 rag ah iyo qof dumar), 9 kalena ay ku dhaawacmeen.
Magaalada waxaa ka socotay Doorashada Golaha Shacabka oo Ergada, Musharixiinta iyo Guddiyada Doorashada dhammaantood diyaarad lagu geeyay halkaasi, laakiin qasaaraha ayaa wuxuu kasoo gaaray dadkii shacabka ahaa ee magaalada deganaa.
Dhaawacyada waxaa isbitaalka magaalada lagu geeyay Gaari-Dameero, iyadoo aysan jriin cid u gurmatay oo ka mida mas’uuliyiinta Doorashada u tagtay iyo kuwa K/Galbeed.
Isgaarsiinta Magaalada Baraawe ayaa hawada laga saaray, kadib weerarka hoobiyeyaasha ah ee lagu qaaday, waxaana xaalada ay tahay mid aan weli kala caddeyn.
