Thursday, July 10, 2025

Alshabaab oo shaacisay Ergo Doorasho iyo Ciidamo Boolis ah oo ku dhintay Qaraxii is-miidaaminta

Alshabaab ayaa shaacisay inay qaaday weerar is-miidaamin ah oo lagu beegsaday ergo Doorasho oo ay galbinayeen ciidamada Booliska.

War kasoo baxya Alshabaab ayaa lagu sheegay in Is-miidaamiye ka tirsan uu Isgoyska Ceelgaab ee degmada Xamarjajab ku beegsaday afar Bas oo siday ergo kasoo baxday xarunta Jeneraal Kaahiye oo ay maanta ka dhaceysay Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Gobollad Waqooyi.

Qaraxan oo uu fuliyey naftii hure ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa lala eegtay ilaa afar gaari oo saarnaayeen erada soo xulaysay xildhibaanada, waxaana galbinayey sadex gaari oo kuwa ciidanka Boolis-ka ah.

Alshabaab ayaa warka ay soo saartay ku sheegay in Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan uu fuliyey is-miidaamiye lala beegsaday Kolonyo mareysay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, iyadoo lala beegsaday xubnaha soo xulaya xildhibaanada.

Qasaaraha qarax ayey Al-Shabaab ayaa lagu sheegtay in lagu dilay 6 xubnood oo kamid ah ergadii soo xulaysay xildhibaanada iyo 5 kamid ah ciidamadii Booliska ee galbinayey iyo dhaawac gaaraya 13 ergo ah iyo 3 ka tirsan askarta Booliska.

Ma jirto cid xaqiijisay qasaaraha ay Alshabaab sheegatay inay gaarsiisay ergada, waxayna wararku sheegayaan inay ergadii qaraxa loola dan lahaa ay ka badbaadeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON