Alshabaab ayaa shaacisay inuu geeriyoodya Sheekh ka mida culimada waaweyn ee taageersanaa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Nuur Macallin C/raxmaan.
War ay faafisay warbaaghinta Alshabaab ayaa lagu sheegay inuu Sheekh Nuur ku geeriyooday Isbitaalka degmada Bu’aale ee Gobolka J/Dhexe, halkaas oo loo geeyay xanuunka Sonkorta oo uu maalmahan u xamnuunsanaa.
Galabta ayey shaacisay Alshabaab inuu Gobolka Jubbda dhexe ku geeriyooday mid kamida culimada Soomaaliyeed ee caanka ah, waxayna ku tilmaantay Caalim kamid ah culimada Rabaaniyiinta oo aan xaqqa qarin, dadkana ku boorin ku jiray barashada Shareecada Islaamka iyo ku dhaqankeeda.
Sheekh Nuur Macallin C/raxmaan oo markii hore ka mida ahaa culimada Diinta islaamka ka faafiya masaajidda ku yaalla degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banadir, bawixii ka danbeeyay sanadkii 2008 u wareegay Alshabaab, isagoo ka mida ahaa culimada dadka wacdiya ee sida weyn u taageera.