Thursday, April 25, 2024

Faroole iyo C/weli Gaas oo Qalalaasihii Boosaaso dusha u saaray xil. Sacdiya (Akhriso)

Madaxweynayaashii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole, C/weli Maxamed Gaas iyo siyaasiyiin kale ayaa qoraal ay soo saareen ku eedeeyay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya inay mas’uul ka ahayn shaqaaqadii ka dhacday magaalada Boosaaso.

Qoraalka siyaasiyiintaasi ayaa lagu yiri: “Waxaa cad in dhibkii halkaa ka dhacdey iney mas’uul ka tahay Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka Golaha Shacabka JFS Sacdiya Salaad Samatar iyadoo baalmartey nidaamkii dowliga ahaa oo dalku lahaa”.

Isimada Gobolka Bari ayaa si weyn uga hor yimid celinta diyaaradii ay la socotay xildhibaan Sacdiya Yaasiin, waxayna maamulka Puntland ka dalbadeen raaligelin, balse waxaa muuqata in siyaasiyiinta soo saaray qoraalkan ay dhinac la safteen.

Ad

Hoos ka akhriso Qoraalka

WARSAXAAFADEED

Annagoo ah:

- Advertisement -

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole (Madaxweynihii hore ee Puntland),

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas (RW hore ee DFS iyo Madaxweynihii hore ee Puntland).

Axmed Ciise Cawad (Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee DFS). Cabdikhadar Shaaciye (Wasiir hore ee Puntland ahna Xubin Golaha Shacabka ee Puntland). Maxamed Cabdiraxmaan Faroole (Lataliyaha Amniga ee Puntland). waxaan halkaan ku soo jeedineynaa arrimaha soo socda:

1. Waxaan annagoo aad uga murugeysan ka tacsiyeyneynaa geerida iyo dhaawaca naxdinta leh ee ka dhalatay qalalaasihii ka dhacay Boosaaso 11kii June 2022. Waxaan intii dhimatay Alle uga baryeynaa naxariis iyo dembi dhaaf ehelkoodana samir iyo iimaan. Inta dhaawaca ahna Allaha siiyo caafimaad dhaqsa ah.

- Advertisement -

2. Waxaan si xooggan u cambaareyneynaa cidda masuulka ka ah dhibtaas weyn ee dhalisay dhimashada iyo dhaawaca, khalkhalkana gelisay xasiloonida Puntland.

3. Waxaa cad in dhibkii halkaa ka dhacdey iney mas’uul ka tahay Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka Golaha Shacabka JFS Sacdiya Salaad Samatar iyadoo baalmartey nidaamkii dowliga ahaa oo dalku lahaa.

4. Waxaan ugu baaqeynaa qeybaha kala duwan ee reer Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso inay ilaashadaan nabadda, xasiloonida iyo nidaamka dowladnimo ee Alle ku mannaystay.

5. Puntland waxay leedahay Maamul la doortay iyaga ayaan ah dariiqa ugu mudan ee ay tahay in la maro xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

6. Waa in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara isla shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada.

Wabillaahi Towfiiq

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON