Saturday, August 13, 2022

Alshabaab oo shaacisay magaca iyo Beesha Is-miidaamiyihii isku qarxiyey Guddoomiyihii Marko

Alshabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo is-miidaamiyihii isku qarxiyey Guddoomiyihii degmada Marko ee Gobolka Sh/Hoose C/llaahi Waafow, qaraxaas oo lagu dilay Guddoomiyaha iyo 13 qof oo kale.

Wareysi laga duubay Is-miidaamiyahan ayuu magaciisa ku sheegay: Maxamed Cali Cabdi oo loo yaqaanay Bishaar ama Fazuul. Waa nin dhalinyarro ah oo 22 sano jir ah, kaasoo dhashay dhashay sanadkii 2000.

Ninkan ayaa kasoo jeeda Beesha Jiiddo, gaar ahaan jufada Gaytiri, wuxuuna ku dhashay degmada Janaale, isagoo yar ayuu ku biiray Alshabaab, wuxuuna ka howlgalay Jabhadda Gobolka Mudug, isagoo ka ka dagalamay degaanada Alshabaab ka taliso.

Ad

Alshabaab ayaa leh koox loo yaqaan Is-tish-haadiyiin oo ah kuwa fuliyey qaraxyada is-miidaaminta, waxaana u badan dhalinyaro 20 jir ah, halka wareysiyo laga duubo is-miidaamiye kasta inta aanu qaraxa loo diray fulin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,012FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON