Alshabaab ayaa caawa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo is-miidaamiyihii isku qarxiyey Agaasimihii Idaacadda Radio Muqdisho C/casiis Maxamed Guuleed (Afrika).
Warbaahinta Alshabaab ayaa laga sii daayey wareysi laga sii duubay is-miidaamiyaha oo magaciisa lagu sheegay Ciise Cabdi Cabdulle (Ciise-Miskiin), wuxuuna sheegay inuu kasoo jeedo beesha Murusade, gaar ahaan Jufada Habar-Maxamed, kuna dhashay degaanka Dirri, Ceelbuur, Gobolka Galgaduud.
Ninkan wuxuu ahaa 27 sano jir, wuxuuna Alshabaab ku biiray isagoo 17 sano jir ah, markii hore wuxuu ka tirsanaa ciidamada Jeyshka Alshabaab ee ka hwolgala Gobolka Galgaduud, kadibna wuxuu ku biiray Is-miidaamiyeyaasha Alshabaab.
Wareysiga lala yeeshay ayuu si weyn ugu hanjabay shaqaalaha dowlada federaalka Soomaaliya. Wuxuu kaloo si weyn ugu qanacsanaa falka uu fuliyay, isagoo baaq u diray dadka Muslimiinta ah.
Wuxuu xaaskiisa kula dardaraamay inay samirto oo wiilkiisa ‘C/llaahi’ ay Diinta ku barbaariso iyo sidii uu jidkiisa u raaci lahaa.
