Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan laba ka mida raggii weerarka ku qaaday xerada Wadaadkii muranka dhaliyey ee magaalada Gaalkacyo C/weli Sheekh Cilmi Yare.
Wareysiyo lala yeeshay raggan ayay uga hadleen qorshaha weerarka ay isu diyaariyeen ee ah inay is-miidaamiyaan, waxayna Alshabaab sheegtay in weerarka Gaalkacyo lagu difaacayey Rasuulka SCW.
Ragga weerarka is-miidaminta ah fuliyey waxaa ka mida Cumar Cabdullaahi Ciise oo ku magac dheer Cubeyd, kaasoo kasoo jeedaa Beesha Daarood gaar ahaan Warsangeli / Dubbeys, ninkaas ayay Alshabab sheegeen inuu ahaa 40 san jir.
Ninka labaad ee ka qeyb galay weerarka Xerada C/weli Seekh Cilmi ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu magacaabaa Maxamed Sheekh Nuur Maxamed oo loo yiqiin Macallin Bishaar, kana soo jeedaa Beesha Raxanweyn, gaar ahaanjufada Yantaar.
Alshabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Xerada Wadaadka ee magaalada Gaalkacyo 26-kii Novembar 2018, halkaasoo lagu dilay wadaadkii iyo 15 kale.