Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada dilka Nabaddoon Cabdi Ibraahim Ciid oo xalay koox Bistoolado ku hubeysan ku dileen xaafadda Siligga ee degmada Dharkeynley, magaalada Muqdisho.
Nabaddoonka ayaa ka mid ahaa Saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee mudadda dheer soo shaqeysay, wuxuuna markii danbe ahaa oday Nabadoon ah oo xilligan waayeel ahaa.
Alshabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay in xubno ka tirsan ay toogasho ku dileen Gaashaanle Cabdi Ibraahim Ciid oo ka tirsanaa saraakiisha ciidamada Booliska iyo askari kale oo isna lagu dilay isgoyska Cali Kamiin.
Marxuum Cabdi Ibraahim Ciid ayaa ka mida haa Ururkii SAMO/ASAL, isagoo kasoo noqday Guddoomiye ku-xigeenka, wuxuu kaloo ka mid ahaa Ergadii ka qeyb gashay Shirarkii dib u hishiisiinta sida Magaalada Eldorat.
