Thursday, July 17, 2025

Alshabaab oo sheegatay inay Axmed Madoobe ku weerarreen Duleedka magaalada Kismaayo &….

Alshabaab ayaa sheegatay inay weerarreen kolonyo uu la socday Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo shalay tegay aagga Baar Sanguuni, isagoo xalay la sheegay inuu la hoyday ciidamada aagga dagaalka ku jira.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerar dhaba-gal ahaa ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qaadeen kolonyadii uu la socday Axmed Madoobe ee duleedka Magaalada Kismaayo, iyadoo aanay bixin faahfaahin kale, inkastoo dadka degaanka ay sheegeen in weerar kooban uu ka dhacay inta u dhaxeysa Baarka iyo Buula Guduud.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo xalay ku hoyday Deegaanka Buula gaduud ee Gobalka Jubbada Hoose, ayaa ugu baqay ciidamada ka horjeeda Alshabaab inay dardar geliyaan howlgalada dib u xoraynta ah si shacabka looga dulqaado Alshabab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON