Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu khaarijiyey sarkaal ka tirsan milateriga Soomaaliya.
War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheega in weerar khaarijin ah ay fuliyaan maleeshiyada Alshabaab lagu dilay sarkaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya, kaasoo magaciisa lagu sheegay Cabdi Kuus.
Dilka ayaa ka dhacay agagaarka Dugsiga Dhagaxtuur ee degmada Hodan, kadibna ay goobta ka baxsadeen, iyadoo sarkaalka Cabdi Kuus ku sheegay saraakiisha Sare ee millatariga Dowlada Federaalka.
Ma jiro wax Wararka ayaa sheegaya ah oo kasoo baxay Taliska ciidamada Milateriga iyo Hay’adaha Amniga Gobolka Banaadir, waxaana uu qeyb ka yahay Dilalka khaarijinta ah ee muddooyinkan kusoo batay caasimadda Muqdisho.
