Kooxda Warfaafinta Alshabaab ayaa baahisay sawirrada weerarkii ay shalay ku qaadeen kooxdaasi Saldhiga ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland ee Baar Sanguuni, kasoo ku bilowday Qaraxyo is-miidaamin ah.
Muuqaalada Alshabaab baahisay ayaa waxaa ka muuqda in maleeshiyada Alshabaab ay la wareegeena Saldhiga Sanguuni, isla markaana ay dab qabadsiiyeen difaacyadii ciidamada dowladda, waxayna isku sawireen maleeshiyada Alshabaab calaamadda Dhul-baraha ee dhowaan ciidamada dowladda ay dayactireen.
Saraakiisha ciidamada dolwadda Somalia iyo maamulka Alshabaab ayaa beeniyay in Alshabaab ay qabsadeen xerada Sanguuni, waxaana taasi meesha ka saaraya muuqaallada soo socda, iyadoo Alshabaab ay sheegatay inay dagaalkaasi ku dileen 27 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA