Kooxda Alshabaab ayaa hanjabaad u dirtay kooxaha Ciyaal-weerrada ee ka kacay, dhibaatooyinkana ka wada xaafadaha magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Alshabaab ew howlgallada C/casiis Abuu Muscab ayaa laga soo xigtay inuu shaaciyey howlgal weyn oo ay ka fulin doonaan Muqdisho, kaasoo ka dhan ah Ciyaal weerada, Dadka Daroogada ka ganacsada, ayna tallaabo adag ka qaadi doonaan.
Arrintan ayey Alshabaab sabab uga dhigtay dadka gobolka Banaadir ay uga cawdeen halista ka jirta magaalada, taasoo dad badan la yaab ku ah, inkastoo weerarro ka fuliyaan.
“Ciidanka Alshabaab ee Muqdisho ka howlgala waxay amar ku qabaan in ay tallaabo ka qaadaan dadka (Ciyaal-weerada iyo Daroogada) ku lug leh, cid walba oo arrimahaas ku lug leh waxaan leenahay waan kaa war haynaa, waana kugusoo soconnaa” ayuu yiri Afhayeenka Alshabaab.
Magaalada Muqdisho ayaa waxa maamuusha dowladda Federaalka, iyadoo hay’adaha Amniga dowladda ay dagaal kula jireen kooxaha Ciyaal-weerada.
Alshabaab ayaa dhinaca kale weerarro iyo dilal gaadmo caasimadda, mana cadda sida ay nabaddgelyadeeda uga shaqeyn karto magaalo ay dadka ugu badan ku dilaan qaraxyo.
