Dowladda Mareykanka ayaa si weyn u cambaareysay dagaalka ka sii socda Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxaana qoraal kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibdada Dalkaasi lagu sheegay in lala xisaabtamayo cidda ka dambeysa dagaalka.
“Dowladda Mareykanka ayaa cambaareynesaa weerarada aan loo meel dayin ee ay ku dhinteen dad badan oo rayid ah oo ka dhacay magaalada Laascanood, isla markaana guryahooda looga saaray in ka badan 185,000 oo qof. Waa in colaadda la joojiyo, ciddii ka dambaysayna lala xisaabtamo”. ayaa lagu yiri qoraalka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee qaabilsan Afrika.
Warkan kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa soo xigtay warbixin kasoo baxday Xafiiska bani aadamnimada Qaramada Midoobay oo ay shaacisay oo walaac looga muujiyay tirada badan ee dadka rayidka ah ee ku dhintay dagaalka Laascaanood ku dhex maraya Ciidamada ammaanka Somaliland iyo Beesha Degaanka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ilaa horraantii bishii February.
Khabiirka madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya Isha Dyfan ayaa sheegat in ugu yaraan 63 qof lagu dilay, in ka badan 363 kalena lagu dhaawacay dagaalka Laascaanood.
Weerarrada aan loo meel dayin ee sida ula kaca ah uga dhanka ah rayidka iyo kaabayaasha rayidka, ayey sheegtay in sinaba loo aqbali karin, ayna si toos ah uga hor imaanayaan sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharciga bani’aadamnimada.
“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh iskahorimaadyada inay si buuxda u ixtiraamaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah, gaar ahaan marka la eego ilaalinta rayidka,” ayey tiri Dyfan.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay qiimeyn ay sameeyeen hay’adaha samafalka oo ay sameeyeen la-hawlgalayaal bani’aadamnimo, dagaalladii Laas-caanood, oo billowday 6-dii Febraayo, waxaa ku barakacay in ka badan 185,000 oo qof – 89 boqolkiiba ay yihiin haween iyo carruur.
