Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo War culus kasoo saartay Dilkii Agaasimaha Dekadda Boosaaso ee Shirkada DP World

Xarakada Alshabaab  ayaa war kasoo saartay dil saaka lagu khaarijiyey madaxdii shirakdda P&O ee maamusha dekadda magaalada Boosaaso.

War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in Guutada Khaarijinta (Iqtiyaalaatka) ay saaka ay magaalada Boosaaso ka fulisay howlgal lagu dilay agaasimihii Shirkadda DP world, wuxuuna Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab uu sheegay in howlgalkaas lagu dilay Paul anthony Fermosa.

Afhayeenka Alshabaab ayaa caddeeyay in howlgalkan uu qeyb ka ahaa weerarada lagu beegsanayo shirkadaha Shisheeye ee uu sheegay inay boob ka wadaan Soomaaliya, kasoo ay ku doonayaan inay la wareegaan kheyraadka dalka, wuxuuna intaas ku daray inay hore ugu digeen shirkadahaasi.

Ad

Dilka agaasimaha dekadda Boosaaso Paul anthony Fermosa ayaa siyaabo kala duwan looga arkay magaalada Boosaaso, iyadoo dadka qaarkood ay soo dhoweeyeen, iyagoo ka horjeeda qaabka shirkadda Imaaraadka ah loogu wareejiyay maamulka Dekadda Boosaaso.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON