Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo War kasoo saartay Qarixii is-miidaaminta ee Muqdisho iyo cidda ay ku beegsatay

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii is-miidaminta ahaa ee galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

War ay baahiyeen warbaahinta kooxda ayaa lagu sheegay in masuuliyadda qaraxa, iyagoo uu fuliyey mid ka mida is-miidaamiyeyaasha Alshabaab, waxayna intaas ku dartay in lagu beegsaday ciidamada iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

Alshabaab ayaa sidoo kale shaacisay in weerarka is-miidaaminta ah uu qeyb ka yahay howlgalada qorsheysan ee lagu beegsanayo saraakiisha, askarta iyo shaqaalaha ee dowladda Soomaaliya.

Qasaaraha qaraxa ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan, kadib markii qof is-miidaamiye ah uu beegsaday maqaayad ku taalla agagaarka Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana tirada dhimashada la gaarsiiyey in ka badan 10 qof, halka dhaawacu kor u dhaafay 20 kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON