Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo War kasoo saartay Qarixii lagu laayey Dhalinyaradii loo qorayey ciidamada Dowladda…

War kasoo baxay Alshabaab ayey ku sheegatay mas’uuliyadda qarixii is-miidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday Xerada ciidamada Jeneraal Dhega-badan ee magaalada Muqdisho.

Warka Al Shabaab ayey ku sheegteay inay qarax oo uu fuliyey qof ka tirsan kooxda is-miidaamiyeyaasha lagu dilay 40 askari, halka lagu dhaawacay 50 kale oo ka tirsanaa ciidam loo qorayey dowladda Soomaaliya.

“Camaliyad Istish-haadi ah ayaa maanta waxay ka dhacday gudaha Xerada Turkiga ee Turkisom ee magaalada Muqdisho, waxaana xiliga camaliyada ay dhaceysay halkaasi ku sugnaa maleeshiyaad askar ahaan loo qorayay oo ka tirsan Ururka sagaalaad ee Gorgor; dhimashada waa 40 askari, dhaawacana waa 50 Askari” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Alshabaab.

Ad

Dhinaca kale ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay gaartay 18, dhaawacuna ku dhow yahay 40, balse taliyaha ciidamada Milateriga dowladda Federaalka Jen. Odowaa Yuusuf ayaa sheegay in 10 qof lagu dilay qaraxa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON