Thursday, June 26, 2025

Alshabaab oo War yaab leh kasoo saartay Qarixii Is-miidaaminta aha ee ka dhacay Muqdisho.

Alshabaab ayaa goor dhoweyd war yaab leh kasoo saartay qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi.

Warka kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in weerar naf-hurnimo ah lagu fuliyey maanta dhinaca danbe ee xarunta Baarlamaanka, kaasoo lagu dilay 9 ka mida waxa loogu yeeray murtadiin, laguna dhaawacay 24 kale; iyadoo sida la ogyahay ay qaraxa ku dhinteen 3 qof oo rayid ah, iskuna qoys ahaa.

“Camaliyad istish-haadi ah oo mujaahidiintu ay ka fuliyeen dhabarka dambe ee xarunta Baarlamaanka waxaa ku dhintay 9 ka mida Murtadiinta 24 kalane dhaawacyo ayaa kasoo gaaray” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Sheegashada Alshabaab ee weerarka is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Muqdisho ayaa caddeyn u ah in Alshabaab ay dhibaato ku noqotay fulinta qaraxyadii faraha badnaa ee ay ka geysan jireen caasimadda Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON