Thursday, December 8, 2022

Alshabaab oo Weerar Culus ku qaaday Degaanka Yasooman iyo Wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo degaannada Yasooman iyo Beero-yabaal ee degmada Buuloburte, Gobolka Hiiraan, kadib weerar ay kusoo qadeen maleeshiyada Alshabaab.

Weerarka ayaa yimid kadib markii ay Alshabaab dib isu abaabushay dagaalo socday saddex maalmooda ee ugu danbeysay, waxaana weerarka saaka uu ku bilowday Qaraxyo, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Liibaan Cabdi Cumar ayaa farriin uu qoray ku sheegay in Argagixisada Al-shabaab Jab Xoogan lagu gaarsiiyey degaanka Yasooman Al-shabaab oo iska soo abaabulay Tuulooyinka Aadan-yabaal, markii ayaa si Dhuumaaleeysi ah ku soo weerarreen Degaanka Yasooman.

Ad

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay la wareegeen Yasooman iyo Beera-yabaal, ayna ku dileen in ka badan 100 askari, halka ay ku qabsadeen Gaadiid dagaal oo fara badan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladdaha iyo xukuumadda Soomaaliya oo ku saabsan dagaalka culus ee saaka ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Ma jiro cid xaqiijisay qasaaraha dagaalka ee labada dhinac, laakiin dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid aad u culus oo Alshabaab ay saddex jiho kasoo weerarreen labada degaan, iyagoo kasoo wareegtay degaankii dagaalladu ka socdeen ee Jicibow.

- Advertisement -

Yasooman iyo Beera-yabaal ayaa ah degaano muhiim u ah isu socodka Magaalooyinka Buuloburte iyo Beledweyne, waxaana Alshabaab ay u muuqataa inay awood isugu geystay aaggaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,994FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,994FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!