Saturday, July 12, 2025

Alshabaab oo Weerartay Gurigii Macaawisleyda Hiiraan ee Muqdisho iyo Dowladda FS oon..

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday Guri ku yaalla degmada C/casiis e magaalada Muqdisho, kaasoo lagu baxnaanin jiray Macawisleyda Gobolka Hiiraan kula dagaalama Alshabaab.

War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheega in maanta oo Talaado ah hawlgal qorshaysan ka fuliyeen xarun qarsoodi ah oo uu cadawgoodu ku lahaa degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho. Hawlgalkana uu bilowday 14:45 duhurnimo, kaasoo ay fuliyen dagaalyahanadooda.

Sidoo kale Bayaanka Alshabaab ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen xarun ay deganaayeen saraakiil iyo horjoogayaal ciidan oo ku lug leh dagaalkaa k sicda Gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir, Dowladda Federalaka iyo Taliska ciidamada Booliska ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalka oo wararka qaar sheegayaan in dagaalyahanno hubaysan ay gudaha u galeen Dhismayaasha ay deganaayeen Macaawisleyda Gobolka Hiiraan.

Al Shabaabab waxay sheegatay inay weerarka degmada CabdiCasiis ku dileen in ka badan 70 macawiisleyda xarunta ku sugnayd, balse ma jirto cid xaqiijisay arrintaasi.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay weli socoto rasaas ka dhaceyso Guriga la weerarray oo ay gudaha u galeen 4 dabley Alshabaab ah, waxaana weli socda howlgalku ay wadaan ciidamada dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON