Wararka laga helayo gobollada dhexe ayaa sheegaya in Alshababkii ugu badnaa ay ku qulqulayaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Dagaalameyaasha Alshabaab oo gaaraya boqolaal ayaa lagu arkay degaanada ay ka taliyeen ee Hiiraan iyo Galgaduud, iyadoo saraakiisha ciidamada milateriga ay sheegayaan inay kasoo qaxeen weerarrada cirka ee Mareykanku ku qaadayo Alshabaab.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa ka tegay gobollada Jubbooyinka, Gedo iyo Sh/hoose, waxaana arrintan digniin kasoo saaray taliska ciidamada dowladda ee Gobollada Dhexe.
Taliyaha guutada 52 aad ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Axmed Maxamed Tredishe ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo baxsad ah ay soo galeen deegaano ka mid ah gobolada dhexe ee dalka, wuxuuna intaas ku daray in qaar ka mida saraakiisha dagaalamayaasha Al-shabaab ay u gudbeen deegaanada maamulka Puntland gaar ahaan buuraha Galgala.