Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ayaa la wareegtay degaanka Gacan-maroodi oo dhinaca waqooyi ka xigaa degmada Yubbe ee gobolka Sanaag oo u dhaxeysa degaanada ay isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland.
Maleeshiyada Alshabaab ee degaankaasi qabsaday ayaa lagu qiyaasay ilaa 70 dagaalame oo hubeysan, waxaana la sheegay inay dhufeyso ka qoteen degaanka Gacan-Maroodi, maleeshiyadan ayaa ka yimid Buuraha Calmadow, waxaana la sheegay in degaankaasi kala wareegeen maleeshiyaad qabiil oo degaanka ahaa.
Waxaa arrintan xaqiiiyey taliyaha Qeybta 9-aad ee ciidamada Puntland ee fadhigoodu yahay gobolka, Sanaag Gen. Cabdullaahi Cumar Canshuur oo ku eedeeyay Somaliland inay xiriir hoose la leedahay Al-shabaab ee qabsadaay Gacan-madoori, wuxuuna intaas ku daray xoojin u yihiin ciidamada Somaliland ee ku sugan aagga Yubbe.
Ma jirto cid xaqiijisay eedeynta Puntland u jeedisay Somaliland, iyadoo weli aysan Somaliland wax Wararka ayaa sheegaya ah kasoo saarin arrintan.