Sunday, July 20, 2025

Alshabab oo Saacado kadib sheegatay Qarixii Muqdisho, sabab yaab lehna u yeeshay

Xarakada Alshabab ayaa mudo shan saacadood ah kadib sheegatay mas’uuliyadda qarax maanta lagu weerarray Baar ku yaalla Wadadda Maka Almukarama oo dhow Hotelka Weheliye.

War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Qaraxa lala beegsaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo howlwadeenno katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan Qarax ku beegsanay goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo Howlwadeenno katirsan -dowladda Federaalka- … ugu yaraan 10 katirsan cadowgii bartilmaameedka ahaa ayaana goobta ku dhintay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Alshabaab.

Alshabaab ayaa ku dooday in goobta weerarku ka dhacay ay ku sugnaayeen agaasimayaal wasaaradeed, Xildhibaanno hore, saraakiil katirsan sirdoonka iyo shaqaalaha wasaaradaha dowladda oo ay dhiigoooda hore u banneysatay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON