Alshabaab ayaa sheegatay inay magaalada Muqdisho ku khaarijiyeen sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.
Warka Alshabaab ayaa lagu sheegay in dabley ka tirsan kooxda ay dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada ilaalada Madaxtooyada Villa Somalia oo lagu toogatay isgoyska Sanca ee degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho. Waxaan sarkaalka ay magaciisa ku sheegeen laba-xidigle Cabdi Deeq.
Dhinaca kale waxay Alshabaab mas’uuliyadda dil maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, halkasoo lagu dilay askari ka mida ciidamada Canshuur ka aruriya Suuqaasi,