Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay xalay weerar madaafiic ah ku qaaday saldhiga Ciidamada Lama-galaay ee Magalada Baladweyne.
Weerarka madaafiicda oo xalay laga maqlay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka danbeeyay rasaas culus oo ay fureen ciidamada dowladda, iyadoo xerada iyo agagaarkeeda ay ku dhaceen madaafiicda, waxaana wararku sheegayaan inay Alshabaab madaafiicda kasoo rideen dhinaca dhinaca Galbeed ee Magaalada Baladweyne.
Rasaasta ay is weydaarsadeen ciidamada iyo Alshabaab ayaa geysata dhaawaca laba qof oo shacab ahaa oo ahaa dadkii deganaa agagaarka Xerada Ciidamada Dowladda ee Lama-galaay, magaalada Beledweyne..
Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay saaka howlgal ka wadaan Qaar ka mida Xaafadaha magaalada Baladweyne.