Tuesday, July 8, 2025

Xubno lagu helay Alshabaabnimo iyo Qarax Muqdisho ka dhacay oo Toogasho lagu xukumay

Maxkamadda darajada Koobaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta Dil toogasho ah ku xukuntay laba xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab oo lagu helay inay ka dambeeyeen qarax ka dhacay Muqdisho, waxayna xoriyadiisa u celisay mid kale oo dembi lagu waayey.

Go’aanka Maxkamadda ayaa lagu dhawaaqay xukunkan markii eedeysane Xasan Cali Macalin Barre oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa dhigista Gawaarida qaraxyada lagu helay inuu 26/11/2018, Suuqa Kaawo Godey ee Degmada Wadajir dhigay Gaari Noociisu ahaa FIELDER, kaas oo qarxii uu sameeyayna ay ku geeriyoodeen 12 Qof, kuna dhaawacmeen 7 kale.

Sidoo kale eedeysane Sayid Cali Aadan Nuur (Istiin Boy) ayaa lagu helay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa soo galinta Magaalada Muqdisho Gawaarida sida walxaha qarxa iyo farsamayntooda. waxaana labada eedeysane lagu xukumay dil toogasho ah.

Dhinaca kale Muxudiin Max’ed Axmed Khaliif (C Jey) oo ku eedeeysnaa inuu ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo in uu hay’adaha baarista u sheegtay Magac been ah ayey maxkamaddu sii deysay markii dembi lagu waayey.

Maxkamadda oo xukunkan ku dhawaaqday ayaa caddeysay in Ciddii aan ku qanacsanayn xukunka ay u furan tahay in uu ka qaato Racfaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON