Wednesday, July 2, 2025

Baarlamaanka Jubbaland ee Axmed Madoobe oo Ansixiyey Muddo kordhintii ugu dheereyd ee magacaabidda Xukuumada

Golaha Wakiilada Jubbaland ee dowladda federaalka aysan aqoonsaneyn ayaa maanta yeeshay kulan uu dalbaday Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Kulanka oo ahaa Kalfadhigii koowaad Fadhigiisa 7-aad ayaa looga hadlay dalab ka yimid Axmed Madoobe oo ku saabsanaa in mudddo saddex bilood ah (90 maalmood) loogu daro xilliga uu soo dhisayo Golaha Xukuumadda Jubbland oo dasturka maamulkaasi uu qabo in lagu soo dhiso muddo 21 maalmood ah.

Dastuurka Jubbaland qodobkiisa 72 aad, farqadiisa 3aad waxay dhigeysaa in marka la doorto Madaxweynaha uu golaha Wasiirada ku soo dhiso muddo dhan 21 maalmood ah; waxaana haddii qodobkan la raaco ay mudaddaasi ku akeyd maanta.

Shirka waxaa gudoominayay gudooomiyaha Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, waxaana la sheegay inay soo xaadiereen 52 Xildhibaan, iyadoo gacantaag ugu codeeyay codsiga Madaxweyne Axmed Madoobe ee muddo kordhinta waqtiga lagu soo dhisayo Xukuumadda cusub waxaana loogu daray muddo 90 maalmood ah.

Axmed Madoobe oo aan weli la caleemo saarin muddo 2 bilood ahna dib loogu dhigay ayaa wajaha diidmo uga timid madaxda dowladda Soomaaliya oo doorashadiisa ku tilmaantay sharci darro, waxaana tani ay muujineysaa in dhimsaha golaha Wasiirada lala sugayo waqti dheer si fursad loo siiyo xal iyo heshiis ay la galaan dowladda Federaalka.

AKHRISO WARAR LA XIRIIRA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON