Waxaa lagu dhawaaqay xilliga ay dhaceyso doorashada cusub ee Guddiga Somaliland, kadib markii uu soo farageliyey Ra’isal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta.
Qoraal kasoo baay Guddiga Doorashada heer federaal ayaa lagu sheegay iyadoo la tixraacayo go’aankii Ra’iisal wasaraha ee 3-da Ogost ka gaaray xalinta arrimaha guddiga Hirgelinta Doorashada Somaliland in lagu wargeliyey 11-ka xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Somaliland la qaban doono Sabtida 7-da Ogost 2021.
Ra’iisal wasaare Rooble ayaa hore u baabi’iyey guddoonada labadii Garab ee ay u kala jabeen Guddiga Somaliland, laakiin ma cadda sida ay guddigaasi doorasho u qaban karaan iyadoo siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ay laba Garab u kala jaban yihiin.
HOOS KA AKHRISO
