Sunday, July 6, 2025

Amarro dhinaca Amniga ah oo lagu soo rogay Magaalada Boosaaso & Madaxweyne Farmajo oo ku sii jeeda

Ciidamada ammaanka ee magaalada Bosaaso ee gobolka Bari ayaa soo saaray amarro culus oo dhinaca ammaanka ah, xilli ay magaaladu qabanqaabo ugu jirto soo dhaweynta madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Magaalada Ganacsiga ee Bosaaso ayaa si weyn looga dareemayaa soo dhoweynta madaxweynaha Soomaaliya iyadoo la filayo inuu madaxweyne Farmaajo tago magaaladaasi oo xaaladeeda amniga si weyn loo adkeeyay.

Col. C/cakii Yuusuf taliyaha ciidamada ammaanka Boosaaso ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sugidda amniga magaalada, wuxuuna u digay baabuurta ay ku xiran tahay bacaha madow ay mamnuuc ka tahay magaalada cid kastoo wadata, wuxuuna dadka magaalada u sheegay in ciddii lagu arko miraayado madow tallaabo laga qaadi doono.

Boosaaso ayaa ka mida magaalooyinka ay ka dhacaan qaraxyada iyo falalka amni darro, waxaana ay ka mid tahay magaalooyinka uu booqanayo madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal ku maraya degaanada Puntland

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON