Thursday, June 26, 2025

Ammaanka Madaxtooyada oo la adkeeyay & Digniin laga soo saaray Qaraxyo & Weerarro laga cabsi..

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa Digniin Amni kasoo saartay suuragalnimada weerarro qaraxyo iyo kuwo toos ah oo ka dhaca caasimadda maalmaha soo socda, iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamo badan ayaa lagu arkayaa qeyb ka mida magaalada, waxaana si aad ah loo yareeyay dadka mari kara wadooyinka u dhow Madaxtooyada Soomaaliya Barta Sayidka ilaa Tiyaatarka oo Villa Somalia laga ilaaliyo.

Sii-ahaya agaasimaha NISA Mudane Fahad Yaasiin ayaa shalay ka qeyb galay kulan loogu yeeray guddoomiyeyaasha degmooyinka, mamulka G/Banaadir iyo taliyeyaasha ciidamada, isagoo farriin feejignaan ah soo gaarsiiyey, una caddeeyay jiritaanka cabsi weyn oo ku saabsan weerarro waaweyn oo argagixiso inay dhacaan, waxayna ahayd markii ugu horeysay muddo 7 bilood ah oo uu arrimo amni kala hadlo mas’uuliyiinta ay quseyso.

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa lahayn Agaasimaha mudadda lasoo sheegay, waxaana hoggaankeeda uu ku masaquulsanaa arrimaha siyaasadda iyo maamul Goboleedyada iyadoo ay aad u yareyn inta uu Muqdisho joogay, waxayna NISA xilligan mareysaa halkii ugu hooseysay, iyadoo horena ciidamadeedii loogu biiriyey Booliska.

Dad badan ayaa is weydiinaya waxa ay Guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir ka qaban karaan weerarro waaweyn oo Alsahbaab dooneyso inay ka geysato magaalada Muqdisho, iyagoo aan heysan ciidan iyo tas-hiilaad kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON